Toddobo kooxood oo hubaysan oo ka hawlgala meelo kala duwan oo Itoobiya ah ayaa ku dhawaaqay sameynta isbahaysi cusub oo ay ugu magac dareen “Alliance for Survival” (Isbahaysiga Badbaadada), kaas oo ay sheegeen inuu ujeeddadiisu tahay in meesha laga saaro dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, lana dhiso maamul ku-meel-gaar ah oo ay ku mideysan yihiin dhinacyada siyaasadda iyo bulshada.
Kooxaha ku mideysan isbahaysigan ayaa kala ah Amhara Fano National Movement (AFNM), Oromo Liberation Army (OLA), Tigray People’s Liberation Front (TPLF), Ogaden National Liberation Front (ONLF), Afar National Revolutionary Democratic Front, Benishangul People’s Liberation Movement, iyo Gumuz People’s Democratic Movement.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen kooxahan ayay dowladda Itoobiya ku eedeeyeen inay mas’uul ka tahay dhibaatooyin ay ku tilmaameen dagaallo, burbur baahsan iyo xaalado dhaqaale oo adag, iyagoo sidoo kale sheegay in dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed iyo amni oo halis ah.
Kooxuhu waxay ku doodeen in sharciga iyo kala dambaynta ay daciifeen, iyadoo ay sheegeen in malaayiin qof ay ku barakaceen colaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalka, ayna hoos u dhacday kalsoonida shacabka ee nidaamka siyaasadeed ee hadda jira.
Isbahaysiga ayaa sheegay in hadafkiisa ugu weyn uu yahay in meesha laga saaro dowladda hadda jirta, kadibna la dhiso dowlad ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay, taas oo ay sheegeen in lagu maamuli doono Axdiga Ku-meel-gaarka ah.
Waxay sidoo kale sheegeen in xilliga kala-guurka ah diiradda lagu saari doono:
- Sugidda badbaadada iyo amniga shacabka Itoobiya.
- Soo celinta xasilloonida iyo kala dambeynta dalka.
- Dib u dhiska hay’adaha dowladda.
- Xoojinta xiriirka Itoobiya la leedahay dalalka gobolka iyo beesha caalamka.
- Qabashada wada-hadal dastuuri ah oo loo dhan yahay, kaas oo ay sheegeen in shacabka Itoobiya si toos ah uga qeyb qaadan doonaan.
- In khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa bulsho lagu xalliyo hannaan nabadeed.
Kooxaha ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka hadda jira uusan haysan, sida ay iyagu ku doodeen, awoodda iyo rabitaanka siyaasadeed ee lagu soo afjari karo colaadaha dalka ka socda, laguna xaqiijin karo xuquuqda muwaadiniinta.
Isbahaysiga cusub ayaa ugu baaqay shacabka Itoobiya, ururrada bulshada rayidka ah, dhinacyada siyaasadda, ciidamada qalabka sida, dalalka deriska ah, dalalka Afrika iyo beesha caalamka inay taageeraan waxa ay ku tilmaameen dadaalkooda ku aaddan isbeddelka siyaasadeed ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, sheegashada kooxahan iyo qorshahooda siyaasadeed ayaa ah mowqif ay iyagu soo bandhigeen, halka saameynta iyo awoodda dhabta ah ee isbahaysigan cusub iyo sida ay dowladda Itoobiya uga jawaabi doonto ay weli u baahan yihiin xaqiijin iyo xog dheeraad ah.



