HomeWarkaWasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo ku baaqay maalgelinta warshadaha dalka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo ku baaqay maalgelinta warshadaha dalka

Muqdisho — Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in maalgelinta warshaduhu ay tahay mid kaalin muhiim ah ka qaadan karta kobaca dhaqaalaha iyo xoojinta wax-soo-saarka gudaha dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in horumarinta warshadaha gudaha ay fursad u tahay Soomaaliya, maadaama ay gacan ka geysan karto kordhinta wax-soo-saarka dalka, abuurista shaqooyin iyo yareynta ku tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno.

“Kacaanka warshaduhu waa maalgelinta ugu wanaagsan, waxaana dhiirrigelinaynaa in la maalgashado warshadaha kobaca sameynaya si loo xoojiyo wax-soo-saarka gudaha,” ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo maalgashiga warshadaha leh awoodda ay ku kobcin karaan dhaqaalaha dalka, iyadoo la taageerayo wax-soo-saareyaasha gudaha iyo ganacsatada doonaya inay maal-gashadaan qaybta warshadaha.

Horumarinta warshadaha gudaha ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah waddooyinka lagu ballaarin karo dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaan haddii la kordhiyo wax-soo-saarka gudaha, la abuuro fursado shaqo, lana horumariyo badeecooyin gudaha lagu sameeyo oo dabooli kara baahida suuqa.

Hadalkan Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso kobcinta wax-soo-saarka gudaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga, si dhaqaalaha dalka loogu sameeyo saldhig wax-soo-saar oo waara.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments