Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa saxiixay amar ku saabsan ka hortagga iyo wax-ka-qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka xilliyada colaadaha.
Amarkan ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu hor istaagayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, gaar ahaan kuwa dhaca xilliyada colaadaha, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo badqabka haweenka.
Sidoo kale, amarka ayaa dejinaya waajibaadyo cad oo la xiriira ka hortagga iyo soo-sheegidda kiisaska tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo tallaabooyinka lagu baarayo laguna wajahayo kiisaska noocaas ah.
Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay in loo marayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah xilliyada colaadaha, iyadoo la xoojinayo habraacyada wax looga qabanayo tacaddiyada.
Saxiixa amarka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ka dhashay wada-shaqeyn iyo dadaallo joogto ah oo laga sameeyay arrintan, kuwaas oo qeyb ka ahaa hawlo lagu xoojinayo ka hortagga tacaddiyada ka dhanka ah haweenka xilliyada colaadaha.
Dadaalladaas waxaa ka qeyb qaatay Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee UNTMIS iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan tacaddiyada lagula kaco haweenka xilliyada colaadaha.
Labada dhinac ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kala shaqeynayay sidii loo xoojin lahaa ka hortagga iyo wax-ka-qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka xilliyada colaadaha, iyadoo amarka cusub uu qeyb ka yahay dadaalladaas.



