HomeWarkaMaxay tahay sabata uu isku casilay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed?

Maxay tahay sabata uu isku casilay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed?

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Axmed Cali Muuse, ayaa iska casilay xilkii uu hayay, isagoo warqaddiisa is-casilaadda si rasmi ah ugu gudbiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiyaha ayaa warqaddiisa ku sheegay inuu si ikhtiyaari ah uga degayo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu aqbalo is-casilaaddiisa.

Axmed Cali Muuse ayaa sidoo kale xusay in muddadii uu xilka hayay uu ku dadaalay ilaalinta caddaaladda, madax-bannaanida garsoorka, dhowrista Dastuurka iyo u adeegidda shacabka Koonfur Galbeed.

“Waxaan go’aansaday inaan si ikhtiyaari ah uga dago xilka Guddoomiyenimada Maxkamadda Sare, laga bilaabo taariikhda la aqbalo is-casilaaddan,” ayuu ku yiri warqaddiisa is-casilaadda.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, garsoorayaasha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda wada-shaqeyntii ay la yeesheen intii uu xilka hayay, isagoo sheegay inuu qadarinayo taageeradii iyo iskaashigii uu helay muddadii uu gudanayay waajibaadkiisa.

Is-casilaadda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa dhaqan-geli doonta marka si rasmi ah loo aqbalo, sida ku cad warqadda uu gudbiyay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments