Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulankii labaad ee Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda ee wasaaradaha iyo hay’adaha Dowladda Jubbaland.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray shuruudaha iyo habraacyada ku xiran bixinta mushaharka shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Jubbaland ee sannadka 2027, iyadoo masuuliyiinta ka qeybgalay lagu wargeliyay nidaamka loo marayo diyaarinta iyo bixinta mushaharka.
Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulanka ka jeediyay warbixin ku saabsan shuruudaha iyo habraacyada maaliyadeed ee looga baahan yahay wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, si loo hubiyo in xogta shaqaalaha iyo bixinta mushaharradu ay waafaqaan nidaamka maaliyadeed ee dowladda.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu xoojiyay fahamka hay’adaha dowladda ee waajibaadka ka saaran diyaarinta xogta shaqaalaha iyo habraacyada maaliyadeed ee la xiriira mushaharka, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo nidaamka, isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka dhaqaalaha.
Kulankan oo ah kii labaad ee Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda loo qabto, ayaa qeyb ka ah qorshayaasha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubbaland ee lagu horumarinayo maareynta maaliyadda dowladda, maamulka shaqaalaha iyo nidaamka isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Wasaaradda ayaa sheegtay in kulamada noocan ah ay muhiim u yihiin sidii hay’adaha dowladda loogu mideyn lahaa fahamka iyo hirgelinta habraacyada maaliyadeed, gaar ahaan kuwa la xiriira qorsheynta iyo bixinta mushaharka shaqaalaha rayidka ah.

















