HomeWarkaGolaha Wasiirrada Jubbaland oo ka shiray amniga iyo diyaar-garowga fatahaadaha

Golaha Wasiirrada Jubbaland oo ka shiray amniga iyo diyaar-garowga fatahaadaha

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Jubbaland shir guddoomiyay kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowladda Jubbaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo diyaar-garowga la xiriira khataraha fatahaadaha, gaar ahaan saameynta laga cabsi qabo inay ka dhalato roobabka iyo fatahaadaha la xiriira xaaladda cimilada ee El Niño.

Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah uga hadlay khataraha fatahaadaha ay ku yeelan karaan deegaannada Jubbaland, iyadoo la xusay in saameyntu gaari karto bulshada, xoolaha, beeraha, deegaanka iyo kaabayaasha muhiimka ah.

Mas’uuliyiinta ayaa qiimeeyay xaaladda jirta iyo baahida loo qabo in la xoojiyo diyaargarowga hore, qorsheynta iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo xaaladaha degdegga ah ee suuragalka ah.

Sidoo kale, kulanka waxaa xoogga lagu saaray diyaarinta tallaabooyin degdeg ah iyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo lagu wajaho haddii fatahaado ay ka dhacaan qaybo ka mid ah Jubbaland.

Golaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo badbaadinta shacabka, ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah iyo u diyaar-garowga xaalad kasta oo degdeg ah, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Jubbaland ay xoojineyso qorshayaasha ka hortagga khataraha dabiiciga ah, gaar ahaan fatahaadaha oo saameyn ku yeelan kara deegaannada ku dhow wabiyada iyo dhulka beeraha ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments