HomeWarkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ka furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ka furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya, oo ay martigelisay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).

Shirka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, ganacsato, maamulayaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta taageerta horumarinta Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay fursadaha iyo baahiyaha maalgelinta horumarineed ee Soomaaliya, iyadoo xoogga la saaray sidii dalka looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada loona gaarsiin lahaa koboc dhaqaale oo waara.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maalgelinta horumarka waara, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado shaqo iyo dhaqaale sii kobcaya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Hiigsiga Qaranka 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya loogu talagalay in lagu gaaro dhaqaale kobcaya iyo horumar waara, taas oo u baahan maalgelin istiraatiiji ah iyo iskaashi dhex mara dowladda, ganacsatada iyo hay’adaha maaliyadeed.

Waxa uu xusay muhiimadda ay leeyihiin maalgelinta beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay, kuwaas oo qeyb ka noqon kara ballaarinta wax-soo-saarka gudaha iyo abuurista fursado shaqo.

Dhanka kale, SDRB ayaa ah hay’ad maaliyadeed oo diiradda saarta maalgelinta horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, taageeridda ganacsiyada gaarka loo leeyahay iyo maalgelinta qeybaha wax-soo-saarka sida beeraha, kalluumeysiga, xoolaha, tamarta la cusboonaysiin karo iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Bangiga ayaa sidoo kale wada barnaamijyo loogu talagalay in ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah lagu taageero maalgelin, talo-bixin iyo diyaarinta fursadaha maalgashi.

Shirka Muqdisho ayaa sidaas darteed fursad u siinaya dhinacyada kala duwan inay ka wada hadlaan sidii loo heli lahaa maalgelin ku filan oo lagu taageero kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo iskaashiga dowladda, ganacsiga gudaha iyo bahwadaagta horumarinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments