HomeWarkaNIRA oo Muqdisho ku soo gabagabeysay Toddobaadka Aqoonsiga 2026”

NIRA oo Muqdisho ku soo gabagabeysay Toddobaadka Aqoonsiga 2026”

MUQDISHO: Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaas oo qeyb ka ah munaasabadaha lagu soo gabagabeynayo Toddobaadka Aqoonsiga 2026, iyadoo sidoo kale lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga.

Shirka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda, qeybaha bulshada, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Intii uu socday shirka, waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda aqoonsiga qofka, ka-qaybgalka bulshada ee nidaamka diiwaangelinta iyo doorka uu aqoonsiga qaranku ku leeyahay horumarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Hay’adda NIRA ayaa dadaallo ku bixineysa sidii loo horumarin lahaa nidaamka aqoonsiga qaranka, iyadoo aqoonsiga loo arko mid muhiim u ah fududeynta helitaanka adeegyada dowladda iyo adeegyada kale ee bulshada, iyo sidoo kale dhismaha hannaan casri ah oo lagu aqoonsado muwaadiniinta iyo dadka dalka ku nool.

Munaasabadda maanta ayaa sidoo kale fursad u ah masuuliyiinta iyo qeybaha bulshada inay kaga wada hadlaan caqabadaha hortaagan diiwaangelinta iyo sidii loo xoojin lahaa wacyigelinta bulshada, si dad badan ay uga qeyb qaataan nidaamka aqoonsiga qaranka.

Toddobaadka Aqoonsiga 2026 ayaa lagu soo gabagabeynayaa iyadoo xoogga la saarayo wacyigelinta bulshada iyo fahamka muhiimadda uu aqoonsiga qaranku u leeyahay adeegyada bulshada iyo horumarinta nidaamka dowladnimo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments