HomeWarkaXasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cirro oo la filayo inay isku arkaan Mareykanka

Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cirro oo la filayo inay isku arkaan Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Hogaamiyaha Soomaaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa la filayaa in ay isku arkaan dalka mareykanka iyadoo ay socdaan kulamo iyo dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo la xiriira arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Mareykanka ugu ambabaxay ka qeybgalka Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo doodda heerka sare ay ka bilaabaneyso New York 22-ka September.

Dhanka kale, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa tan iyo horraantii bishan ku sugnaa dalka Mareykanka, halkaas oo uu kulamo dhowr ah kula yeeshay xubno ka tirsan Kongareeska Mareykanka, siyaasiyiin iyo hay’ado kale. Wararka la xaqiijiyay waxay muujinayaan in Cirro uu inta badan kulamadiisa ku qabtay Washington D.C., iyadoo booqashadiisa lagu sheegay inay diiradda saarayso xiriirka diblomaasiyadeed, amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha aqoonsiga Somaliland.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Haatuf Media u sheegay in ay jiraan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in la isu keeno labada Madaxweyne, xilli ay labadooduba ku sugan yihiin dalka Mareykanka.

Haddii kulanka uu qabsoomo, waxaa suuragal ah in labada dhinac ay ka wada hadlaan arrimaha siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa, iyadoo sidoo kale miiska la soo saari karo xaaladda xiriirka labada dhinac iyo mustaqbalka wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday labada dhinac oo caddeyneysa in kulan Xasan Sheekh iyo Cirro uu si rasmi ah u qabsoomayo, sidoo kalena lama shaacin waqtiga iyo goobta uu kulanku ka dhici karo.

Joogitaanka labada Madaxweyne ee Mareykanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay Washington ka socdaan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo la xiriira Soomaaliya iyo Somaliland. Cirro ayaa Washington kula kulmay Senator Ted Cruz iyo xubno kale oo Mareykan ah, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay iyaduna wafdi sare u dirtay Washington si ay uga qeyb qaataan dadaallada diblomaasiyadeed ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

Sidaas darteed, kulanka la filayo haddii uu dhaco wuxuu noqon karaa kulan si weyn isha loogu hayo, balse faahfaahinta ajandaha iyo qaabka uu u dhacayo ayaa weli ku xiran xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxda dhinacyada ay khuseyso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Most Popular

Recent Comments